Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:369
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 30 2008
Maxamed Dheere oo Xilkii Laga Qaaday
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 30 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-Wareegto kasoo baxday maanta xafiiska ra`iisal wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa xilkii Gudoomiyenimo iyo kii duqa Magaalaba looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

 

Wareegtadan oo uu u akhriyay saxaafadda afhayeenka Dowladda Federlaaka KMG ah ee Soomaliya Cabdi Xaaji Goob doon ayaa ku sheegay sababaha looga qaaday xilka gudoomiyaha ey ka mid tahay cabashooyin laga keenay xagiisa oo dhinaca amaanka ah iyo in uu kali talisnimo u muujiyay ragii la shaqeynayay.

 

Qodobada xilka looga qaaday Maxamed Dheere oo ahaa ilaa dhowr qodob ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa in xubnihii isaga la shaqeynayay ey inta badan isugu dheceen arimo la xiriira howlaha gobolka iyo in uu sidoo kale gacanta ku dhigay dhamaan dhaqaalihii Gobolka.

 

Maxamed Dheere ayaa waxaa loogu baaqay in wixii maanta ka danbeeya uu howlihii shaqo si kumeel gaar ah ugu wareejiyo ku xigeenkiisa dhimaca arimaha bulshada Dhagaxtuur.

 

In dhaweydba waxaa isqab qabsi iyo xurguf u dhaxeysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere iyo inta badan ku xigeenadiisa, kuwaas oo sheegay ineysan la shaqeyn karin Maxamed Dheere, waxaana kal hore khilaafkan xaliyay Madaxda Sare ee dowladda kadib markii ashtako gudbiyeen.

 

Maxamed Dheere ayaa jagada iminka laga qaaday hayay ku dhawaad sanad iyo bar, waxaana intii ka horeysay jagadaasi uu gacanta ku hayay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe oo xarun u aheyd magaalada Jowhar.

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >